Search
Close this search box.

IFISO: Waa In Dhammaadka Xilliga Ku-meel-gaarnimada Soomaaliya uu Keeno Isbeddel Waara

War Saxaafadeed

IFISO Independent Vetting Coalition

20 Agoosto, 2012

Isbaheysiga Madaxabannaan ee Turxaanbixinta Soomaaliyeed, IFISO, ayaa ugu yeerayaa Barlamaanka Federaalka ee dhawaanta la xulay inuu doorto musharrixiin ey ka go’antahay qiyamka cad-caddaanimada iyo mamul dimoqoraaddiyadeed. Waxey IFISO si aad ah uga walaacsantahay maqnaashaha xilkii la iska saaray qondeynta saamiga jinsiga (labnimo/dheddignimo) iyo wararka sheegaya cagajugleynta iyo musqmaasuqa ka jira hannaanka magacaabista, ayadoo dhinaca kale maqsuud ka ah guusha laga soo hooyay horistaagga hoggaamiyaasha dagaalka in ey ka qeybgalaan madarka siyaasadda.

Madaama uu xilkii Xukuumadda Federaalka ee Ku-meel-gaarka ah uu dhammaanayo manta, ayaa  275 Xubnaha Baarlamaanka si dhaqso leh u fadhiisan doonaan si ey u doortaan Afhayeenka Baarlamaanka, labada Ku-xigeen ee Afhayeenka, iyo Madaxweynaha. Xildhibaanka ugu da’da weyn ayaa masuul ka noqon doono qaabka loo dooranayo Afhayeenka iyo Ku-xigeennadiisa. Waa in Xildhibaannadu muddada ey gudanayaan howshaan culus ey maanka ku hayaan masuuliyadda ka saaran baarista xogta laga hayo musharrixiinta, eyna diidaan kuwa lala xiriiriyay laaluush, xatooyo xoolo dadweyne, iyo ku takrifalid awood dowladeed taasoo dhacday soddonkii sano ee la soo dhaafay.

Waxey IFISO ammaan u soo jeedineysaa hoswshii Guddiga Farsamo ee Xulitaanka ee diidey magacaabista hoggaamiyaasha dagaalka. Hase yeeshee, waa in Guddigu ku fara-adeego xaqiijinta  in la dhowro qondeynta 30% Xildhibaannada haweenka ah taasoo lagu gaaray heshiisyadii saldhigga u ahaa Dhammaadka Ku-meel-gaarnimada. Magacyada 202 ee hadda la hayo ayaa waxaa ku jira in ka yar 30 xildhibaan oo haween ah.

“Waa in aan xusnaa in maalintaan taariikhiga ah ey guuli u soo hoyatay Soomaaliya iyo ujeeddo muhim u ah IFISO maadaama hoggaamiyayaasha dagaalka eysan ku guuleysan iney carqaladeeyaan hannaanka Dhammaadka Ku-meel-gaarnimada” ayuu yiri Guddoomiyaha IFISO Xasan Shire Shiikh. “ Hase yeeshee mar kale ayey u egtahay in haweenka Soomaaliyeed laga horistaagay iney ku yeeshaan cod xooggan hoggaanka maamulka qaranka.”

Waxey IFISO ku boorrineysaa cid kasta oo dan ka leh, oo ey ku jirto beesha caalamka, eregada goob-joogayaalka ah iyo saraakiisha farsamo in ey xaqiijiyaan ku dhaqmidda cad-caddaanimo iyo dhowrista mabaadii’dii loo dejiyay Dhammaadka Ku-meel-gaarnimada. Si gaar ahna waa in Guddiga Farsamo ee Xulista uu u xaqiijiyo in magacyada dhimman maanta la caddeeyo maadaama la ansixinaayo yaraanta haweenka u qalma xildhibaannada isla markaasna aan awoodda dowladda loo oggolaan in ey gacanta ku dhigaan musharaxiin dambiilayaal ah iyo kuwa laaluush ku caanbaxay.

SOO IFBIXII IFISO

Isbaheysiga Madaxabannaan ee Turxaanbixinta Soomaaliyeed, IFISO, waxuu ka kooban yahay wakiillo ka tirsan qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, waxaana si mutaddawacnimo ah gaacan u siiya hey’adaha xuquuqda aadanaha qaranka iyo kuwa dowli ah, warbaahinta, dhaqdhaqaaqyada bulshada, bulshada rayadka ah iyo khubaro kale. Waxuu Isbaheysigu ku midoobay inuu si madaxbannaan ula socdo hannaanka Dhammaadka Ku-meel-gaarnimada si loo xaqiijiyo in hoggaamiyaasha dagaalka, kuwa geystay dambiyada dagaalka, iyo kuwa loo nisbeeyay xatooyo xoolo dadweyne aysan ku guuleysan qabashada awood siyaasadeed dhammaadka xilliga Ku-meel-gaarnimada.

Waxaa IFISO lagu tagay Muqdishu 31/ 07/2012 ayada oo ey ka  soo qeybgaleen wakiillo farabadan oo matalayey bulshada rayadka Soomaaliyeed. Danley badan oo isugu jira Soomaali iyo beesha caalamka ayaa aqoonsaday howsha IFISO iyo doorka ey ku leedahay  dhiirrigalinta cad-caddaanimada iyo la-xisaabtanaka Xukuumadda Federaalka Soomaaliyeed ee cusub.

Si aad u hesho warar dheeraad ah fadlan la xiriir Faarax Maxamed Cali, Sarkaalka Wararka ee IFISO: +254729653242 ama booqo http://www.ifiso.net

MORE NEWS:

Human Rights Defender of the month: Aida Musa

For most of her life, Pamela Angwech’s existence has always been a defiant and simultaneous act of survival and resistance. In 1976 when she was born, the anti-Amin movement was gathering pace, and her family was one of the earliest victims of the then dictatorship’s reprisals in Northern Uganda. Her father, a passionate educationist in Kitgum district was one of the most vocal critics of the dictatorship’s human rights excesses, which made him an obvious target of the state’s marauding vigilantes.

SHARE WITH FRIENDS: